Kooxda Uu Hector Bellerin Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda PSG suuqa xagaaga.

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga daafaca Midig ka ciyaara dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana lala xidhiidhinayay kooxaha Barcelona iyo Juventus.

Laakiin wargayska Sport ayaa sheegaya in uu xiddiga Hector Bellerin doonayo in uu ku biiro kooxda PSG.

Xiddiga reer Spian ayaa haatan sugaya in ay PSG Dalab ka gudbiso saxiixiisa iyada oo ay Gunners doonayso in ay ku iibiso xiddiga lacag dhan 25 milyan oo euro.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga 26 jirka ah kooxda Arsenal kula jiro heshiis dhici doona xagaaga 2023 waxana uu kulamadii ugu dambeeyay ka baxay qorshaha Mikel Arteta.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?


Source: laacibfm

SHARE