RASMI: Tottenham Oo Ku Dhaaqday Tababaraha Shaqada Ka Badalaya Jose Mouirnho

Kooxda Tottenham ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in Xiddigeedii hore ee Ryan Mason uu noqday tababaraha cusub ee kooxda isaga oo shaqada ka badalay tababare Jose Mourinho kaas oo shaqada laga caydhiyay Isniintii.

Kooxda Tottenham ayaa Isniintii shaqada ka caydhisay tababare Jose Mourinho kadib markii ay kooxdu qaab ciyaareed xun soo bandhigtay xilli ciyaareedkan una muuqato kuwo ka hadhaya champions League xilli ciyaareedka dambe.

Ryan Mason ayaa Shaqada ula wareegaya qaab ku meel gaadh ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda hogaamin doona kulankiisii ugu horeeyay todobaadka soo socda.

Ryan Mason ayaa ah xiddig u soo ciyaaray Tottenham waana 29 jir isaa oo ciyaaraha ka fadhiistay sanadkii 2018 kadib dhaawac madaxa ah oo ka soo gaadhay kulan uu kooxda u ciyaarayay.

Haatan Ryan Mason ayaa hogaamin doona kooxda inta ka dhiman xilli ciyaareedkan inta ay kooxdu helayso tababare ay ku buuxiso booska Jose Mourinho dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?


Source: laacibfm

SHARE