Taageerayaasha Chelsea Oo Hor Istaagay Baska Xiddigaha Kooxda Ka Hor Kulanka Brighton.

Taageerayaasha Kooxda chelsea ayaa Hor Istaagay Baska Xiddigaha Koxoda iyaga oo u diiday in ay galaan garoonka Stamford Bridge sabab la xidhiidha tartanka European Super League ee muranka badan dhaliyay.

Chelsea ayaa ka mid ah 6 kooxood oo Premeir League ah oo go’aansaday in ay ku biiraan tartanka European Super League kaas oo ay ku midoobeen 12-ka kooxood ee ugu waaweyn horyaalada yurub.

Taageerayaasha chelsea ayaa ka soo hor jeeda go’aanka ay kooxdoodu uga qayb gashay tartanka European Super League waxana ay xidheen wadada garoonka Stamford Bridge loo maro iyaga oo kooxda u diiday in ay galaan garoonka.

Goolhayihii hore ee Kooxda chelsea Petr Čech ayaa ka soo dagay baska isaga oo taageerayaasha ka codsaday in ay u baneeyaan si ay u galaan garoonka ka hor kulanka Brighton ee horyaalka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?


Source: laacibfm

SHARE