XASAASI: Kooxdii Ugu Horaysay Oo U Muuqata In Ay Ka Laabatay Ku Biirista Tartanka European Super League.

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporte ayaa u muuqda mid la laabtay fikiirkii ahaa in ay Barcelona ka qayb noqoto tartanka cusub ee European Super League kaas oo Gil-Gilay kubada cagta 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Kooxda Barcelona oo ka mid ahayd kooxihii abuura tartanka ayaa haatan ku dhawaaqday go’aankooda ku aadan ku biirista tartanka ka goosanaya champions League.

“Waxan u malaynayaa in tartanka European Super League uu diliayo wax soo saarka kubada cagta”ayuu Laporte u sheegay.

“Kaliya waxa ay fikirka European Super League ku aadantahay lacag”.

“Ilaa haatan wax warbixin ah kama haysto sida loo diyaarin doono kubada cagta laakiin waxa aan aaminsanahay in ayna kubada cagtu ahayn kaliya lacag”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?


Source: laacibfm

SHARE