Arsenal Oo Ku Dhaw In Ay Dhamaystirto Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee Xagaaga

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo horumar leh kula jirto Kooxda Brighton iyaga oo doonaya in ay si toos ah ugala wareegaan Goolhaye Mat Ryan suuqa xagaaga.

Goolhayaha reer Australia Ayaa gunners qaab amaah ah ugu biiray suuqii January waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib isaga oo qanciyay tababare Mikel Arteta kaas oo doonaya in uu ku sii haysto kooxda.

Wargayska Football Insider ayaa sheegaya in ay labada kooxood wadahadalo ku jiraan kuna dhawyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa Goolhayaha iyaga ku heshiin doona lacag dhan 10 milyan oo euro.

Tababare Mikel Arteta ayaa Matt Ryan u arka mid wax ku soo kordhin kara kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe waliba si weyn u caawin doono marka loo baahdo kulamada kooxda.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan


Source: laacibfm

SHARE