DEG-DEG: Brazil Vs Germany & Isku Aadka Group-yada Ciyaaraha Kubada Cagta Tartanka Olympic-da Oo La Sameeyay.

Waxa si Rasmi ah loo sameeyay isku aadka wareega Group-yada kubada cagta ee tartanka Olympic 2020 ee lagu qaban doono caasimada Tokyo.

Tartanka ayaa markii hore la filayay in uu dhoco sanadkii 2020 ee dhamaaday laakiin waxa dib loo dhigay tartanka sabab la xidhiidha xanuunka Korona oo si weyn u jiray wakhtigaas.

Haatan tartanka oo wali lagu magacaabayo Tokyo 2020 ayaa la qaban doonaa xagaaga gaar ahaan bilaaban doona bisha July waliba socon doona ilaa bisha August ee sanadka 2020.

Isku aadkayay ka soo bexeen kulamo xiiso leh iyada oo ay isaga hor iman doonaan xulalka Brazi iyo Germany halka sidoo kale Spain ku aaday xulka Argentine.

Sidoo kale xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah oo la filayo in uu tartanka u ciyaaro xulkiisa ayaa la ciyaari doona xulalka Spain iyo Argentine.

Image

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan


Source: laacibfm

SHARE