DEG-DEG: kooxaha Inter Milan & Atletico Madrid Oo Isaga Baxay Tartanka European Super League

Kooxaha Inter Milan iyo Atletico Madrid ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in ay isaga bexeen tartanka European Super League kadib markii ay la kulmeen cadaadis xoogan oo uga yimid dhinaca taageerayaashooda.

Labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Inter Milan ayaa ka mid ahaa 12 kooxood ee ku midoobay tartanka European Super League kaas oo muran badan dhaliyay maalmihii ugu dambeeyay ee la soo dhaafay.

Haatan labada kooxood ayaa bogagooda si Rasmi ah ugu xaqiijiyay in ay isaga bexeen gabi ahaan tartanka European Super League waliba ayna ka qayb ahaan doonin tartanka kadib cadaadis xoogan oo ay la kulmeen.

Labadan kooxood ayaa ku biiray Liiska kooxaha ka baxay tartanka European Super League  kaas oo lagu dhawaaqay Isniitii la soo dhaafay kaas oo ay ku wada dhawaaqeen 12 kooxood.

Inter Milan iyo Atletico Madrid ayaa Liiska kooxaha ka baxay tartanka European Super League kula biiray 6-da kooxood ee ugu waaweyn horyaalka premeir League kuwaas oo dhankooda xaqiijiyay tartanka.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan


Source: laacibfm

SHARE