Faah-Faahinta Heshiiska Uu David Alaba U Saxiixi Doono Real Madrid Oo La Ogaaday.

Daafaca Bayern Munich David Alaba ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday heshiis shan sano ah oo uu kula joogayo Real Madrid.

Xiddiga reer Austria ayaa inta badan xirfadiisa ku qaatay kooxda Bayern Munich isaga oo kooxda kula guulaystay koobab badan intii uu joogay kooxda.

Si kasta ha ahaatee xiddiga 28 jirka ah ayaa iska diiday heshiis cusub oo uu u saxiixo Bayern Munich isaga oo doortay in uu tartan cusub raadiyo marka uu heshiiskiisu dhoco.

Shabakada Sky Deutschland ayaa sheegaysa in uu Alaba heshiis wakhti dheer ah u saxiixay kooxda Real Madrid kadib markii uu ogolaaday ku biirista Los Blancos.

Xiddiga ayaa kooxda Real Madrid si xor ah ugu biiri doona dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa Bayern Munich.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan


Source: laacibfm

SHARE