Heshiis Dhacay: Liverpool Oo Dhamaystirtay Saxiixeedii Ugu Horeeyay & Wakhtiga Ay Ku Dhawaaqayso Oo la Ogaaday.

Heshiiskii uu daafaca Ibrahima Konate uu biirayay kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in uu dhamaystiray sida laga soo xigtay shabakada CaughtOffside.

Daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig ayaa ogolaaday in uu ku biiro kooxda Liverpool kuwaas oo xiddiga ka bixin doona lacag dhan 32 milyan oo euro.

Isla sabakada ayaa sheegaysa in heshiiska lagu dhawaaqi doono 1 bisha May kadib markii wax walba laga heshiiyay xiddiguna kooxda la gaadhay heshiiska shaqsiga ah.

Liverpool ayaa Ibrahima Konate u doonaysa in ay ku xoojiso daafaca xilli ciyaareedka dambe iyaga oo ka dhigaya xiddiga saxiixeeda ugu horeeya ee suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa aad loo qiimeeyaa waxana uu ku iicanyahay kubada baaska ah ee uu Jurgen Klopp ciyaaro isaga ayaana si shaqsi ah u dalbaday in xiddiga loo keeno.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan


Source: laacibfm

SHARE