Kylian Mbappe Oo Qaaday Talaabo Muujinaysa Kooxda Uu Ku Biiri Doono Xagaaga.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa in uu bilaabay raadinta guriga uu ka dagi doono Madrid xilli uu xiiso ka helayo kooxda Real Madrid.

Xiddiga 22 jirka ah ayuu hal sao uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda PSG ilaa haatana heshiis cusub uma dhawa mid u saxiixaya kooxda reer France.

Shabakada Goal ayaa sheegaysa in uu Kylian Mbappe ku hadlo luuqada Spain waliba wakiiladiisa u sheegay in uu iibsanayo guriga uu ka dagi doono Madrid.

PSG ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer France laakiin iska iibin doonta hadii uu heshiis cusub u saxiixi waayo kooxda todobaadyada soo socda.

Mbappe ayaa dhaliyay 35 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 kale 41 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan haatan lagu jiro.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan


Source: laacibfm

SHARE