Man United & Liverpool Oo Ku Jira Wadahadalo Laba Kulan Oo Ay Lacag Fiican Ku Helayaan.

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa ku jira wadahadalo ay ku doonayaan in ay ku doonayaan in ay isku balasandaan labada kulan oo saaxiibtinimo ah oo ay ku ciyaari doonaan Old Trafford iyo Anfield oo ay lacag fiican ka samayn doonaan.

Labada kooxood ayaa ka mid ah kooxihii abuuray tartanka European Super League kaas oo bur-buray kadib markii ay kooxuhu ka bexeen sabab la xidhiidha taageerayaasha oo ka baxay.

Labada kooxood ee Liverpool iyo Man United ayaa labada kulan wada ciyaari doona dhamaadka bisha july iyo bilowga bisha August kulamo ka mid ah isku diyaarinta xilli ciyaareedka dambe.

Labada kooxood ayaa rajaynaya in ay labadaas kulan ku soo dhaweeyaan taageerayaashooda kuwaas oo la filayo in ay ku soo laabtaan dhamaadka xilli ciyaareedkan haatan sii dhamaanaya.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan


Source: laacibfm

SHARE