Taageerayaasha Premier League Oo U Codeeyay In La Ganaaxo 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier League Kadib Fashilkii European Super League

6-da kooxood ee ugu waaweyn Premier League ayaa baxay tartanka European Super League kadib markii ay cadaadis xoogan kala kulmeen taageerayaasha, Khabiirada, Xiddigaha iyo waliba Siyaasiyiinta.

Laakiin Taageerayaasha Premier League ayaa u muuqda kuwo aan halkaas kaga hadhin kooxihii ka qaybta ahaa tartankii fashilmay ee European Super League waxana ay u codeeyeen in la ganaaxo kooxaha 6-da ah ee ka qayb galay tartanka European Super League.

Wargayska Daily Express ayaa codayn u sameeyay taageerayaasha Premier League si ay fikirkooda uga dhiibtaan waxa ay tahay in laga sameeyo kooxaha 6-da ah ee ugu waaweyn horyaalka premier League.

Su’aasha uu wargaysku waydiiyay taageerayaasha ayaa ahayd miyay tahay in la ganaaxo 6-da kooxood ee ugu waaweyn sabab la xidhiidha ka qayb ahaantii tartankii European Super League ee fashilmay?.

77% taageerayaasha Premier League ayaa u codeeyay “Haa” oo ah in la ganaaxo 6-da kooxood ee ugu waaweyn premier League halka ay kaliya 23% ku codeeyeen “Maya.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan


Source: laacibfm

SHARE