UEFA Oo Go’aan Ka Gaadhay Semi-final-ka Tartanka Champions League Kadib Markii Uu Tartanka European Super League Bur-Buray.

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa xaqiijisay in Semi-final-ka tartanka champions league sii socon doono waliba wakhtigii la filayay dhoco kadib markii uu tartanka European Super League Bur-Buray.

Tartanka champions League ayaa la ciyaari donaa todobaadka dambe kadib markii ay kooxaha reer yurub ka mid mid uga bexeen tartanka European Super League kaas oo ay kooxaha waaweyn ee reer yurub ku midoobeen.

Ciyaarista Semi-final-ka champions league ayuu shaki ku jiray kadib markii ay UEFA ku hanjabtay in ay ciqaabi doonto kooxaha ka qayb galay ama ku biiray tartanka European Super League.

Sidoo kale xidhiidhka UEFA ayaa xaqiijisay in uu tartanka Europa League sidiisii u dhici doono kooxaha ka qayb galayana ay ciyaari doonaan todobaadka dambe.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Munaasibka Ah & Wakhtiga Aan Munaasibka Ahayn Ee Kulanka Sariirta Bisha Ramadaan


Source: laacibfm

SHARE