Barcelon Oo Wadahadalo Horumar Leh Kula Jirta Xiddiga Memphis Depay

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto weeraryahanka Lyon Memphis Depay si uu ugu biiro Camp Nou sida ay sheegayaan wararku.

27 jirkaan ayaa markale qaab ciyaareed fiican ku soo qaatay kooxdiisii Lyon isaga oo dhaliyay 20 gool 9 kalena caawiye ka noqday 35 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Heshiiska Memphis ayaa dhici doona dhamaadka bisha June ee soo socota waxana ay u muuqataa in uuna heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda ka ciyaarta horyaalka Ligue 1.

Barcelona ayaa la rumaysanyahay in ay ku dhawaatay saxiixa xiddiga reer Holland xagaagii hore laakiin may dhamaystirin heshiiska xiddiga.

Kooxda Barcelona ayaa wali xiiso u qabta saxiixa xiddiga reer Holland waxa uu OnzeTV3 sheegayaa in ay Barcelona wadahadalo kula jirto xiddiga Memhis di ay u hesho saxiixiisa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.


Source: laacibfm

SHARE