Karim Benzema Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Kooxda U Yaalay Halyeey Real Madrid.

Xiddiga Karim Benzema Ayaa isku qoray taariikhda Real Madrid kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Cadiz kulankii Arbacadii.

Xiddiga reer France ayaa gool ka dhaliyay kooxdii 35 ee horyaalka La Liga isaga oo sidaas ku bar-bareeyay rikoodhkii Raul ee gool ka dhalinta kooxaha ugu badan ee kala duwan.

Xiddiga ugu goolasha badan tariikhda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaan xitaa rikoodhkaas u dhigin kooxda Real Madrid intii uu joogay kooxda.

Sidoo kale Karim ayaa dhaliyay ugu yaraan hal gool 9 kulan oo xidhiidh ah isaga oo dhaliyay sidaas darteed 11 gool.

Goolashiisa ayaa Los Blancos ka caawiyay in ay 12 guuldaro la’aan ahaato horyaalka La Liga iyaga oo haatan hogaanka la haya kooxda ay jaarka yihiin ee Atletico Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.


Source: laacibfm

SHARE