Lacazette iyo Aubameyang Miyay Ciyaarayaan Kulanka Villa Real Ee Europa Leugue ?

Arsenal ayaa xiddigo muhiim ah seegeysa kulanka ay la ciyaarayaan Everton ee horyaalka Ingiriiska.

Labada koox ayaa wada ciyaaraya kulan ka tirsan wareegga 33-aad ee horyaalka Ingiriiska waxa uuna ka dhacayaaa garoonka Emirates

Alexandre Lacazette iyo Aubameyang ayaa seegaya kulankaas adag kaasi oo ay Arsenal hamineyso in ay guul ka keenaan

Wargeyka The Sun ayaa sheegaya in Aubameyang uu weli ka soo kabsnayo raadadka xanuunka malaariyada oo soo haleeshay intii uu la joogay qarankiisa Gabon

Arsenla waxa ay hamineysaa in Aubameyang   si tartiib ah tababarka ugu soo laabto ka hor kulanka Villa Real ee qamiista

Lacazette ayaa isna ka sheeganaya dhaawac jilibka bidix ah waxaana lagu heleelay kulankii Fulham ee bar-bar dhaca ku dhamaday

Warka waxa uu intaas ku darayaa in ka qeyb galka Lacazett ee kulanka Villa Real uu shaki weyn ku jiro


Source: laacibfm

SHARE