Milkiilayaasha Arsenal Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshaha Kooxda Kadib Culays Ay Kala Kulmeen Taageerayaasha, Miyay Iska Iibinayaan?

Josh Kroenke ayaa ku adkeysanaya in KSE aysan dooneynin inay iska iibiso Arsenal Inkasta oo ay taageerayasha kooxdu aad ugu kacsanyihiin milkiilayaasha kadib markii ay kooxdu ku biirtay tartanka European Super League.

Wiilka uu dhalay Milkiilaha Arsenal ee Stan Kroenke oo iska leh shirkada Arsenal maamusha ee KSE ayaa sheegay in uuna Aabihiis ka fikirayn in uu iska iibiyo kooxda Arsenal.

Isaga oo la ahdlaya REDaction AFC ayuu yidhi”kooxda dib ayaan u dhisaynaa, waxa aan rumaysanahay in aan horay u wadi karno Arsenal, waxana nala dhigay xaalad adag”.

“Waxa aan kooxda u haynaa qorshe weyn iyo waliba qorshe mustaqbalka ah laakiin wax niyad ah uma hayno in aan iibino kooxda”.

Milkiilayaasha Arsenal ayaa raali galin weyn siiyay taageerayaasha kooxda kadib markii ay ku biireen tartankii muranka badan dhaliyay ee European Super League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.


Source: laacibfm

SHARE