Pep Guardiola Oo Ka Warbixiyay Xaalada Kevin De Bruyne Ka Hor Kulanka Tottenham Ee Final-ka Carabao Cup-ka.

Tababaraha Kooxda Man City Pep Guardiola ayaa sheegay in uuna dhaawaca Kevin De Bruyne ahayn mid halis u ah sidii markii hore laga cabsi qabay laakiin sheegi waayay in uu taam u noqon doono kulanka Tottenham ee Final-ka Carabao Cup-ka.

Xiddiga khadka dhexe ee Kevin De Bruyne ayaa ku dhaawacmay kulankii Semi-final-ka FA Cup-ka ee ay la ciyaareen Chelsea waxana uu seegay kulankii Aston Villa ee horyaalka premier League.

Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Dhaawacu ma ahan sidii markii hore laga cabsi qabay”.

“Maanta ma garan karo sababta oo ah lama hadalin laakiin waan eego doonaa”.

“Uma malaynayo in uu taam u noqon doono kulanka final-ka laakiin waxa uu diyaar u noqon doonaa kulanka champions League”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.


Source: laacibfm

SHARE