UEFA Oo Ka Shaqaynaysa In Ay Laba Kooxood Oo Waaweyn Gabi Ahaan Ka Reebto Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa bilaabay ka shaqaynta ganaaxyada ay ku ganaaxayaan kooxihii ku midoobay tartankii muranka badan dhaliyay ee European Super League.

Madaxweyaha UEFA ayaa si cad u sheegay in ay ka fiirsanayaan ganaaxyada ay dusha ka saari doonaan kooxihii 12-ka ahaa ee ku midoobay tartanka European Super League ee fashilmay.

UEFA ayaa kulmaysa maalinta bari ee jimcaha ah waxana ay la soo saari doonaa ganaaxyada ay u garatay kooxihii ku heshiiyay tartanka European Super League.

Wargayska Football Joe ayaa haatan sheegaya in ay UEFA Si gaar ah u bartilmaameedsanayso laba kooxood oo ka mid ah kooxihii ku heshiiyay tartanka European Super League kuwaas oo kala ah Juventus iyo Real Madrid.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay UEFA ka shaqaynayso in ay labada kooxood ee Juventus iyo Real Madrid gabi ahaan ka mamnuucdo ka ciyaarista tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.


Source: laacibfm

SHARE