XASAASI: 6-da Kooxood Ee Ugu Waaweyn Premier League Oo Dalbaday In Laba Kooxood Lagu Daro Horyaalka Premeir League Kadib Fashilkii European Super League & Labadaas Koox Oo La Ogaaday.

Kooxaha Lagu magacaabo 6-da kooxood ee ugu waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan in horyaalka lagu soo daro kooxaha Celtic iyo Rangers xilli ciyaareedka dambe kaas oo ka qayb ah isku shaandhayn weyn oo lagu samayno horyaalka kadib bur-burkii European Super League.

Kadib 48 saac markii lagu dhawaaqay tartanka European Super League oo ay ka mid yihiin kooxaha Arsenal, Chelsea, Liverpool, Man City, Man United iyo Tottenham laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay ka baxaan tartanka kadib cadaadis xoogan oo ay la kulmeen.

Kooxaha waaweyn ayaa raali galino badan sameeyay iyaga oo sidoo kale ku qasbanaaday in ay isaga baxaan tartanka European Super League laakiin waxa ay wali ku adkaysanayaan in is badal la sameeyo.

Haatan wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay 6-da kooxood ee waaweyn doonayaan in la abuuro horyaal cusub oo ka dhexeeya dalka Britain oo dhan laguna soo daro kooxaha Celtic iyo Rangers horyaalka premeir League ee haatan.

Wadahadalada ayaa haatan u socda dhinacyada kala duwan iyada oo kooxaha Celtic iyo Rangers diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan Premier League waliba qorshahaas haysto taageero aad u weyn.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.


Source: laacibfm

SHARE