XASAASI: UEFA Oo Xaqiijisay In Laga Yaabo In La Joojiyo Mid Ka Mid Ah Kulamada Semi-final-ka Champions League.

Madaxweynaha Xidhiidhka kubada cagta UEFA EE Aleksander Ceferin Ayaa ka hadlay murankii uu dhaliyay tartanka European Super League iyo waliba in uu jiri karo ganaaxyo la dul saaro kooxihii ka qayb galay.

Waxa jira champions League todobaadka dambe kaas oo u dhexeeya kooxaha real Madrid iyo chelsea, Aleksander Ceferin ayaana sheegay in a jirto suurtagalnimo uuna gabi ahaan kulankaas ku dhici karin markii la waydiiyay.

“Arinta muhiimka ah in uu xilli ciyaareedku haatanba bilowday sidaas darteed Tv-yada ku guulaystay xuquuqda baahinta ayaa noo iman doona hadii uu dhaawac dhoco oo aan la ciyaarin Semi-final-ka”ayuu Aleksander Ceferin yidhi.

“Laakiin wxa jirta suurtagalnimo ah in aan la ciyaarin kulanka Real Madrid iyo Chelsea todobaadka dambe”.

“Si kasta ha ahaatee mustaqbalka ayaa ka duwanaan doona sidan”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.


Source: laacibfm

SHARE