Xiddig Muhiim U Ah Barcelona Oo Seegaya Kulanka Getafe Ee Caawa.

Xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Ousmane Dembele ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka ay kooxdiisu caawa la ciyaari doonto Getafe kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Xiddiga reer France ayaa ka dhaawacmay gumaarka waxana uu Liiska dhaawacyada kula biiray xiddigaha Ansu Fati, Philippe Coutinho & Martin Braithwaite kuwaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Barcelona marka loo eego in uu Ousmane Dembele ku jiray qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Ousmane Dembele ayaa si joogto ah ugu ciyaaray kooxda Barcelona kulamadii ugu dambeeyay isaga oo kooxda u dhaliyay sidoo kale caawiye ka noqday goolal muhiim u ah kooxda.

Laakiin xiddiga 23 irka ah ayaa seegi doona kulanka ay kooxdiisu caawa la ciyaari doonto kooxda Getafe kuwaas oo u dagaalamaya sidii ay u sii joogi lahaayeen xilli ciyaareedka Dambe La Liga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.


Source: laacibfm

SHARE