XOG: Real Madrid Oo Ugu Dambayn Rikoodhe Loo Dhigay Kulan La Liga Ah, Imisa Kulan Ayaan Loo Dhigin Rikoodhe?

Xiddiga Karim Benzema Ayaa goolkii ugu horeeyay ee kulankii Cadiz ka dhaliyay rikoodhe taas oo ah rikoodhadii ugu horeeyay ee lagu abaalmariyay Los Blancos muddo aad u dheer horyaalka La Liga.

Markii ugu dambaysay ee ay Real Madrid rikoodhe hesho horyaalka La Liga ayaa ahayd kulankii Hore ee El Clasico ee dhacay 24 bishii October 2020.

Kulankii Cadiz Real Madrid ayaa ka baxday 26 kulan oo aan rikoodhe loo dhigin kadi markii uu xiddiga Iza khaald ku galay xiddiga kooxda Real Madrid ee Vinicius daqiiqadii 28-aad.

Los Blancos ayaan sidaas darteed gaadhi doonin rikoodhka kulamada ugu badan ee aan koox loo dhigin rikoodhe kulan horyaalka La Liga ah ee ay dhigtay kooxda Rayo Vallecano oo dhigtay 2 xilli ciyaareed ka hor.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.


Source: laacibfm

SHARE