Baankii Maal Galinayay Tartanka European Super League Oo Isaga Baxay Qorshihii Uu Ku Maal Galinayay Tartanka.

Baanka caalmiga ah ee laga leeyahay dalka Maraykanka ee JPMorgan Chase oo ahaa baankii ogolaaday in uu maal galiyo tartanka European Super League ayaa isaga baxay heshiiskii uu ku maal galinayay tartanka.

Tartanka European Super League ayaa ahaa mid ay ku midoobeen 12 kooxood oo ka mid ahaa kooxaha ugu waaweyn kubada cagta waxana ay doonayeen in ay ka goostaan champions League.

Baanka JP Morgan ayaa saxiixay ehshiis 3 bilyan ah oo uu ku maal galinayo tartanka European Super League taas oo la macno ahayd in ay koox walba heli lahayd lacag dhan 200 oo milyan sanadkii.

Laakiin kadib markii ay kooxo badan isaga bexeen tartanka European Super League Baanka JP Morgan ayaa dhankiisa ka baxay heshiiskii uu ku maal galinayay tartanka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE