FIFA Oo Shaacisay Wakhiga Isku Aadka Arab Cup 2021 & Xulka Qaranka Somaliya Oo Sugaya Isku Aadka.

Dalka Qatar ayaa marti galin doona isku aadka koobka FIFA Arab Cup 2021 iyada oo isku aadka la qaban doono Salaasada oo ku beegan 27 bishan haatan lagu jiro iyada oo la qaban doono isku aadka 9:00 habeenimo.

Tartanka ayay ka qayb gali doonaan 23 dal oo ka kala tirsan Carabta iyo waliba qaarada Africa laakiin carab ahaan loo xisaabinayo kuna jiro dalka Somaliya.

Tartankan ayaa ah mid uu dalka Qatar isugu diyaarinayo koobka adduunka ee sanadka dambe waxana lagu qaban doonaa garoomada loogu tala galay koobka adduunka sanadka 2022.

Kulamada ayaa lagu ciyaari doonaa 6 garoon oo ka mid ah garoomada koobka adduunka lau ciyaari doono kuwaas oo haatan si Rasmi ah loo dhamaystiray.

Halkan hoose Kaga Bogo Xulalka ka qayb gali doona tartanka:

Qatar, Algeria, Bahrain, Comoros, Djibouti, Egypt, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Mauritania, Morocco, Oman, Palestine, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, Tunisia, the United Arab Emirates & Yemen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE