Harry Kane Miyuu Ciyaari Karaa Kulanka Man City Ee Finalka EFL Cup-ka?

Harry Kane ayaa lagu waramayaa in uu u diyaarsan yahay ka qeyb galka kulanka ay ka hor tagayaan Man city ee finalka EFL Cup-ka

Tottenham ayaa axadda qaabileysa City xilli kulankaas uu ka dhacayo garoonka weyn ee Wembley

Harry ayaa jimcihii la soo dhaafay ku dhawaacmay kulankii Everton ee horyaalka waxa uuna sidaas ku seegay kulankii Southampton ee ay kooxdiisa ku badisay 2/1

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in Kane uu qamiistii sameeyay tababar kaligiis ah waxa uuna u gogol xaarayay in midka guud uu ku soo biiro.

Wargeyskaas ayaa sheegaya in loo badinayo in Harry Kane uu saaxibadiisa beri la sameeyo tababarkii guud si kulanka axadda uu u safto .


Source: laacibfm

SHARE