Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Diogo Jota, Miyuu Taam U Yahay Kulanka Newcastle.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Diogo Jota taam u yahay kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda Newcastle United.

Waxa jiray warar sheegaya in uu xiddigu dhaawacmay kadib markii uu seegay tababarkii khamiistii waliba seegi doono kulanka Newcastle ee horyaalka.

Laakiin Klopp ayaa sheegay in uu xiddigu taam yahay waliba diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Newcastle Horyaalka premier League.

Xiddiga weerarka ka ciyaara Jota ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 12 gool 26 kulan oo tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa dhaawac uga maqnaa kooxdiisa laakiin ciyaaray 6-dii kulan ee ugu dambeeyay isaga oo dhaliyay 3 gool.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE