Lionel Messi Oo Dhigay Rikoodh Taariikhi Ah Kadib Guushii Getafe.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 25-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii uu 2 gool ka dhaliyay kooxda Getafe kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa ku badisay 5/2 kulan ay cadaadiska sii saareen kooxaha Ka horeeya ee Atletico Madrid iyo Real Madrid tartanka loogu jiro horyaalka La Liga.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee 25 gool iyo wax ka badan ka dhaliya 5-ta horyaal ee ugu waaweyn 12 sano oo xidhiidh ah.

Xiddiga Lionel Messi ayaa dhankiisa ka baxay Abaar gool la’aan ah oo kooxda Getafe ah maadama uuna 3 kulan oo xidhiidh ah wax ka gool ah ka dhalin kooxda Getafe horyaalka La Liga.

Waxa intaas sii dheer in uu Lionel Messi kaligiis ka goolal badan yahay kooxda Getafe oo dhan kuwaas oo ilaa haatan horyaalka La Liga dhaliyay 23 gool halka uu Messi dhaliyay 25 gool.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE