Liverpool Oo Saxiixa Kylian Mbappe Ku Garaaci Karta Real Madrid.

Milkiilaha kooxda Liverpool ee John W Henry ayaa lagu soo waramayaa in uu ogolaan doono in la dhamaystiro saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappe marka la gaadho suqua xagaaga.

Mustaqbalka xiddiga 22 jirka ah ayuu shaki ku jiraa iyada oo la filayo in la iibiyo xiddiga reer France hadii uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda Paris.

Real Madrid ayaa la aaminsanaa in ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga koobka adduunka ku guulaystay laakiin madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa qirtay in ayna kooxdiisu u dhaqaaqi doonin saxiixa xiddiga kadib bur-burkii European Super League.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Milkiilaha kooxda Liverpool ee Henry doonayo in uu dib u dhiso kalsoonida iyo xidhiidhka taageerayaasha kadib fashilkii European Super League waxana uu diyaar u yahay in uu ogolaado saxiixyo waaweyn suuqa xagaaga.

Sidaas darteed Henry ayaa ogolaan doona saxiixa Mbappe si uu ugu raali galiyo taageerayaasha kooxda Liverpool sidoo kale ugu xoojiyo kooxda Klopp ka hor xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE