Olivier Giroud Oo Laga Doonayo Xagaaga Horyaalka Talyaaniga

Juventus ayaa baacsaneysa mid ka mid ah xiddigaha Chelsea kaasi oo aan maqsuud ku aheyn kooxda Tochel

Macalin Pirlo ayaa isha ku haya in xagaaga uu la soo wareego Olivier Giroud waxa ayna bilaabeen xariiro ay la sameynayaan .

Wiilka reer France ayaa loo badinaya in marka xilli ciyaareedka dhamaado ka huleelo Stamford Bridge maadaama shaxda asaasiga kooxdaas iska dhex waayay

Giroud waxa uu hishiiskiisa dhacayaa 2022-ka waxa ayna Chelsea dooneysaa in ay ka macaahsto halka uu qaab xor ah ku tagi lahaa

Calciomercato ayaa sheegeysa in Pirlo maamulka Juve ku war gilyay in laga shaqeeyo in Giroud shaxdiisa lagu soo daro.

Inkastoo Giroud uu sii duqoobayo waliba qiimo ayuu ka leeyahay garoomada qaaradda yurub waxa uuna doonayaa in uu aado koox joogto boos uga helayo si tartanka qaramada yurub uusan u seegin


Source: laacibfm

SHARE