RASMI: Zlatan Ibrahimovic Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Ac Milan, Imisa Ayuu Qalinka Ku Duugay

Xiddiga Zlatan Ibrahimovic ayaa si Rasmi ah heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxda Ac Milan isaga oo sii joogi doona kooxda hal sano oo kale ilaa xagaaga 2022.

Khabiirka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa sanadkaas mushahar ahaan u qaadan doona lacag dhan 7 milyan oo euro isaga oo sii joogi doona kooxda kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu la qaatay kooxda.

Heshiiska xiddiga 39 jirka ah ee haatan ayaa dhici doona xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu kooxda u saxiixay heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono kooxda ilaa da’diisa 40 sano jirka.

Xiddiga ayaa 40 sano noqon doona 3 bisha October ee sanadkan haatan lagu jiro taas oo la macno ah in uu 40 jir noqon doono bilowga xilli ciyaareedka dambe 2021/2022.

Markan ayaa ah markii 2-aad ee uu Zlatan Ibrahimovic u ciyaaro kooxda Ac Milan kadib markii uu horay ugu soo ciyaaray xilli ciyaareedkii 2010/2011.

Labadii jeer ee uu joogay Ac Milan xiddiga Zlatan Ibrahimovic ayaa kooxda Ac Milan u ciyaaray 130 kulan tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay 84 gool isaga oo caawiye ka noqday 32 kale.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE