Real Madrid Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Kulanka Real Betis.

Kooxda Real Madrid ayaa war fiican ka heshay tababarka ka hor kulamada Real Betis iyo La Liga ee champions League kadib markii uu Eden Hazard tababarka buuxa la qaatay kooxda.

Tababare Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in uu xiddigu ka qayb ahaan doono kulanka Real Betis ee horyaalka La Liga ka hor kulanka uu ka hor tagi doono kooxdiisii hore ee chelsea.

Xiddiga reer Belguim ayaan wax kulan ah u ciyaarin real Madrid tan ilaa 13 bishii March kulan ay la ciyaaraysay kooxdiisu Elche kulan horyaalka la Liga ahaa isaga oo ka dhaawacmay muruqa.

Laakiin xiddiga reer Belguim ayaa haatan taam buuxa u ah kooxdiisa waxana uu taam u yahay in uu ka qayb qaato kulamada soo socda ee horyaalka iyo champions League ee muhiimka u ah kooxdiisa.

“Eden waxa uu ka qayb qaadan doonaa kulanka Betis, waxa uu ku jiri doonaa Liiska”ayuu Tababare Zidane ka sheegay shirkii ka horeeyay kulanka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE