Shaxda Laga Yaabo In Ay Arsenal Kaga Hor Tagto Everton, Xiddigo Badan Ayaa Ka Maqan.

Mikel Arteta ayaa kooxdiisa hogaamin doonaa kulanka Everton ee caawa iyada oo ay ka maqanyihiin xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette kuwaas oo dhaawac ku seegaya kulanka.

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta Toffees 10 habeenimo wakhtiga somaliya iyo 8 fiidnimo ee wakhtiga London kulan ka tirsan todobaadkii 33-aad ee horyaalka premier League.

Arsenal ayaa xaqiijisay in ay kulanka ka maqnaan doonaan labada weeraryahan ee ugu waaweyn kooxda ee Aubameyang & Lacazette sabab la xidhiidha dhaawacyo kala duwan oo ay ka cabanayaan.

Arintaas ayaa la macno ah in uu Mikel Arteta ku qasbanyahay in uu is badal ku sameeyo shaxdiisa waliba adeegsado xiddigaha taamka u ah in ay ka qayb qaataan kulanka adag ee premier League.

Xiddiga Martinelli ayaa la filayaa in uu ku bilowdo weerarka tooska ah waliba badalo xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette kulanka caawa ee horyaalka Premier League.

Hadaba Halkan Hoose Kaga bogo sida ay noqon karto shaxda Arsenal kulanka caawa Premier League.

How we expect Arsenal to line up against Everton

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE