Tartanka Gool Dhalinta La Liga Oo Meel Xiiso Leh Maraysa

Tartanka Gool dhalinta horyaalka La Liga ayaa meel xiiso leh maraya kadib dhamaadka todobaadkii 32-aad ee xill ciyaareedka iyada oo ay xiddigaha Messi iyo Benzema isku baacsanayaan.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa todobaadkan dhaliyay 2 gool isaga oo goolashiisa kor ugu qaaday 21 gool xilli ciyaareedka horyaalka La Liga kulankii ay kooxdiisu garaacday Cadiz.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa u jawaabay Benzema isaga oo dhaliyay dhankiisa 2 gool kulankii ay kooxdiisu garaacday Getafe isaga oo goolashiisa kor ugu qaaday 25 gool.

Waxa ku soo xiga ixddiga kooxda Villarreal ee Gerard Moreno kaas oo dhaliyay 20 gool ilaa haatan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Waxa kaalinta 4-aad ku jira xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez kaas oo aan wax goolal ah dhalin kulamadii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga.

Halkan Kaga Bogo Gool dhalinta horyaalka La Liga.

No. Xiddiga Kooxda Da’da Xulka Goolasha
1. Lionel Messi Barcelona 33 Argentina 25
2. Karim Benzema Real Madrid 33 France 21
3. Gerard Moreno Villarreal 29 Spain 20
4. Luis Suárez Atlético Madrid 34 Uruguay 19
5. Youssef En-Nesyri Sevilla 23 Morocco 17
6. Alexander Isak Real Sociedad 21 Sweden 13
7. Iago Aspas Celta Vigo 33 Spain 12
8. Rafa Mir Huesca 23 Spain 12
9. Marcos Llorente Atlético Madrid 26 Spain 11
10. Roger Martí Levante 30 Spain 11

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE