UEFA Oo Fariin Hanjabaad Ah U Dirtay Kooxaha Aan Wali Ka Bixin Tartanka Super League.

Madaxweynaha Xidhiidhka UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa digniin u diray kooxaha 4-ta ah ee aan wali ka bixin tartanka European Super League isaga oo u sheegay in ay seegi doonaan champions League.

Inkasta oo ay 8 ka mid ah 12-kii kooxood ee aas-aasay tartanku ka bexeen hadana kooxaha Real Madrid, Barcelona, Juventus & AC Milan ayaan wali si Rasmi ah uga bixin tartanka.

“Way iska cadahay wax walba, hadii ay kooxuhu waa in ay kala go’aansadaan in ay yihiin Super League ama in ay yihiin European Club”ayuu Ceferin yidhi.

“Hadii ay doortaan in ay yihiin Super League kadib ma ciyaari doonaan champions League”.

“Hadii ay go’aansadaan in ay Yihiin Super League waa in ay ciyaaraan tartan iyaga u gaar ah”ayuu sii raaciyay hadakiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE