Xiddig Muhiim U Ah Liverpool Dhaawac Ku Seegay Tababarkii Ka Horeeyay Kulanka Newcastle United.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Diogo Jota ayaa dhaawac ku seegay tababarkii buuxay ee kooxdiisa ka hor kulanka Newcastle ee horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Newcastle United Sabtida kulan ka tirsan todobaadkii 33-aad ee horyaalka premier League.

Shabakada talkSPORT ayaa sheegtay in uu Jota ka maqnaa tababarka buuxa ee kooxdiisa Liverpool ka hor kulanka Newcastle ee horyaalka premier League.

SIdaas darteed xiddiga ayaa seegi doona kulanka sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay kulankii Leeds United inkasta oo aan la shaacin nooca dhaawaca soo gaadhay xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Subax Wanaagsan Ah Oo Aad U Diri Kartid Gacalisadaada Subaxda Hore, Maalinta Oo Dhan Ayay Kaa Fikiraysaa Hadii Aad U Dirto.


Source: laacibfm

SHARE