Chelsea Oo Guul Muhiim Ka Gaartay West Ham United , Guushii 9-aad Ee Banaanka Garoonkooda Ayay Gaareen

Chelsea ayaa guul adag ka  soo gaartay West Ham United xilli labada koox ay soo bandhigeen ciyaar xaraarad laheyd , waxa ayna Chelsea haatan ku jiraan booska 4-aad iyaga oo leh 58 dhibic

Guud ahaan ciyaarta ayaa aheyd mid deg degsiimo leh inkastoo Chelsea wax aan sidaas u sii badneyn ay ku sareeyeen maamulka kubadda

West Ham waxa ay ka sheeganayeen qaadashada go`aano deg deg ah marka kubadda cagtooda soo gasho xilli daafac ahaan ay wacnaayeen .

Chelsea isku balaarinta garoonka ayay ku fiicanayeen xilli baasas saxan ay bixinayeen waxa ayna kubad hayashadooda mararka qaar gaareysay %56

West Ham oo marar qaar ku dhiiraneysay goosha Chelsea ayaa waxaa wajahaayay daafac halk qaarna nasiibka ka maqnaa xilli goolka Chelsea uu yimid qeybtii hore waxaana saxiixay Timo Werner daqiiqaddii 43-aad

Dagaalka labada gool waxa uu ka taagnaa qadka dhexe xilli kubadana aheyd mid deg degsiimo uan furneyd labada koox xilli Chelse badelka labaad sameeyeen daqiiqadii 86-aad waxa ayna ku soo giliyeen Abraham Reece James

Si kasto oo ay West Ham isku dayo  u sameeyeen waa u suura gali weyday in ay tagaan goosha Chelsea waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool ee ay Chelsea ku gaareen xilli dhamaadkii ay ika qasaariyeen  fursado


Source: laacibfm

SHARE