Eden Hazard Oo Ka Hadlay Taam Ahaanshihiisa Kulanka Real Betis.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Eden Hazard ayaa xaqiijiyay in uu taam buuxa u yahay kulanka ay kooxdiisu maanta la ciyaari doonto Real Betis kulan ka tirsan horyaalka La Liga kadib muddo dheer oo uu garoomada ka maqnaa.

Tababare Zidane ayaa Jimcihii xaqiijiyay in uu xiddiga reer Belguim taam u noqon doono kulanka isaga oo xitaa ku daray liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Real Betis horyaalka La Liga.

Xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard ayaa dhaawac ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya ku bilowday 16 kulan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan sababo la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.

Laakiin Hazard ayaa u muuqda mid taam u ah kulanka Real Betis maalmo ka hor kulanka ay Real Madrid ka hor tagayso kooxdiisii hore ee Chelsea kulan ka tirsan champions League.

Hazard oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Taam ayaan ahay waxana aan dareemayaa xaalad fiican”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE