Hordhac: Liverpool Vs Newcastle United: Reds Oo Aan Guuldaro Kulmin Magpies Muddo 27 Sano Ah

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Newcastle United kulan ka tirsan premier League todobaadkiisii 33-aad kana dhici doona garoonka Anfield.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay guul gaadhaan si ay ugu soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay todobaadkii hore la gashay Leeds United.

Dhanka kale Newcastle United oo guulo gaadhay kulamadii ugu dambeeyay ayaa kulanka soo galaya iyaga oo u dagaalamaya sii joogista xilli ciyaareedka dambe tartanka premier League.

Kulanka: Liverpool Vs Newcastle United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan laga badinin 24kii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkooda kula ciyaaraan Newcastle United guuldaradoodii ugu dambeysay waxay aheyd bishii April 1994.

Trent Alexander-Arnold wuxuu fursad u heystaa inuu shabaqa soo taabto ama caawiyo kulankiisii ​​afaraad oo Xidhiidh ah markii ugu horeysay tan iyo bishii August 2019.

Newcastle ayaa dooneysa inay badiso seddex kulan oo xidhiidh ah premier League markii ugu horeysay tan iyo bishii November 2018, markaasoo Rafael Benitez uu xilka Hayay.

Magpies ayaa badisay 37% kulamadooda premier league marka uu ciyaaray xiddiga Allan Saint-Maximin marka loo bar-bar dhigo 15% kulamada uu ka maqanyahay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE