Hordhac: West Ham Vs Chelsea: Thomas Tuchel Oo Isha Ku Haya Rikoodh Kale Oo Cajiib Ah.

Kooxda chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda West Ham kulan adag oo premier League ah kaas oo ka tirsan todobaadkii 33-aad kana dhici doona garoonka London Stadium.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyada oo mid walba indhaha ku hayso sidii ay u heli lahayd 3-da dhibcood maadama ay ku tartamayaan kaalmaha champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kulanka: West Ham Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: London Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

West Ham ayaa xaqiijisatay 31 dhibcood kulamada gurigeeda xilli ciyaareedkaan, marka laga soo tago Manchester City oo leh 38 dhibcood Waxana ay raadinayaan guushoodii 10-aad ee garoonkooda xilli ciyaareedka markii ugu horaysay tan ilaa 2001/2002 markaas oo ay gaadheen 12 guul.

Jesse Lingard ayaa noqon kara Xiddigii labaad ee West Ham ee lix kulan oo xidhiidh ah oo Premier League ah shabaqa soo taabtay, ka dib markii Diafra Sakho uu sidaas sameeyay bishii September iyo October 2014.

Thomas Tuchel ayaa noqon kara tababarihii ugu horeeyay ee Chelsea ee guuldarro la’aan ahaada 10-kiisii ​​kulan ee ugu horreeyay martida tartamada oo dhan.

Chelsea ayaa isha ku haysa in ay markii 8-aad laba kulan garaacaan West Ham xilli ciyaareed kaliya premier League rikoodhkaas waxa kaliya oo kaga badan Man City (10), Sunderland (8) iyo Spurs (8).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE