Konate, Messi, Cristiano Ronaldo, Cavani, Varane, Mourinho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedyada yurub waxana haatanba bilaabanaya dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo koox walba bilaabayso sii indha-indhaynta xiddigaha ay u dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxo cusub iyada oo sidoo kale kooxo badan la filayo in ay suuqa galiyaan lacag si ay u helaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaa.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo gudbin doonta wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Liverpool ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Ibrahima Konate waxana ay haatan isku diyaarinayaan in ay kooxdu bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa (Sun).

Kooxda Barcelona ayaa ka shaqaynaysa heshiis 3 sano ah oo ay ka saxiixanayso xiddiga Lionel Messi si uu kooxda ugu qanciyo in uu sii joogo kooxda (ESPN).

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa wakiilkiisa u sheegay in uu ks shaqaeeyo ku laabashadiisa Old Trafford xagaaga (Gazetta dello Sport).

Kooxda Arsenal ayaa u sheegtay Real Madrid in ay qaali ku tahay lacagta ay dul dhigtay xiddiga Martin Odegaard ee dhan 50 milyan (Sun).

Kooxda Celtic ayaa wadahadalo la furtay tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Jose Mourinho si ay ugu dhiibto xilka kooxda (Record).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa Goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak (Fichajes).

Daafaca kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Man United marka la gaadho suuqa xagaaga (Don Balon).

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay 26 milyan oo kaliya kula soo saxiixan karta weeraryahanka kooxda Eintracht Frankfurt ee Andre Silva (Sport 1).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Memphis Depay ayaa qarka u saaran in uu ku biiro Barcelona xagaaga (RMC Sport).

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa in ay si toos ah ula saxiixato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho (Fichajes).

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Isco suuqa xagaaga (Fichajes).

Xiddiga weerarka uga ciyaara koxoda Edinson Cavani ayaa mar kale ku adkaystay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan (Depo).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE