Kooxda Ku Dhaw Saxiixa Edinson Cavani Oo Haatanba Daabacday Lambarka Uu Xiddigu U Xidhan Doono Kooxda.

Kooxda reer Argentine ee Boca Juniors ayaa isku diyaarinaysa imaatinka weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Doble Amarilla ayaa sheegaya in Cavani u sheegay Man United in uu doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib guushii 3/1 ahayd ee ay Man United ka gaadhay Burnley Axadii.

Cavani ayuu 2 bilood iyo badh uga hadhay heshiiskiisa kooxda Man United waxana uu u sheegay in uuna doonayn in uu sii joogo Old Trafford wixi xilli ciyaareedkan ka dambeeya.

Xiddigii hore ee kooxda PSG Ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Boca Juniors si uu ugu dhawaado qoyskiisa ku nool South America maadama ayna isaga la joogin yurub.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Boca Juniors haatanba daabacday maaliyada uu xiddigu u xidhan doono kooxda xilli ciyaareedka dambe kaas oo ah Lambarka uu ugu jecelyahay ee No.9.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE