Liverpool Oo Iska Khaarisay Fursad Ay Kaalinta 4-aad Ku Gali Lahaayeen, Newcastle Ayaa Bar-Baro Wakhti Dambe Ah Ku Qabatay.

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa barbarro niyad-jab ah soo hoysay kulankii labaad oo xidhiidh ah, waxaana 1-1 ay ku kala baxeen Newcastle United oo ugu timid garoonka Anfield.

Reds oo ciyaartii hore barbarro 1-1 ah la gashay Leeds United oo waqtigii dhamaadka ay u ogolaatay in goolka ay ka dhaliso, ayaa si la mid ah maantana samaysay, waxaana ciyaarta oo maraysa daqiiqaddii 90+6 gool saddexda dhibcood u diiday ka dhaliyey Joseph Willock oo Newcastle ay amaah kaga soo qaadtay Arsenal.

Liverpool ayaa la hormartay gool uu daqiiqaddii 3aad u dhaliyey Mohamed Salah, waxayna iska khasaariyeen fursado badan oo kale, hase yeeshee Newcastle ayaa u qalmaysay in ugu yaraan ay goolka barbarraha hesho.

Kooxda martida ahayd ee Newcastle ayaa waxa kale oo waqtiga dheeraadka ah ee ciyaarta lagu daray waxay dhalisay gool ay ka diidday VAR.

Liverpool ayaa yeelatay 54 dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta lixaad, waxaana ay hal dhibic ka dambaysaa Chelsea iyo West Ham oo min 55 dhibcood leh, kuna kala jira afraad iyo shanaad, halka ay Reds dhibic kaliya kasoo dallacday Tottenham oo toddobaad u degtay.

Liverpool ayaa daqiiqaddii saddexaad waxay hoggaanka u qabatay ciyaarta iyadoo uu gool qurux badan u dhaliyey Mohamed Salah. Sadio Mane ayaa kubadda ka keenay dhinaca bidix waxaanu xerada ganaaxa  ugu dhiibay Diogo Jota oo awoodi waayey in uu qabto, waxaana helay Mohamed Salah oo taabasho kaliya kusoo farsameeyey Ritchie, ka hor intii aanu si xarrago leh isagoon fursad siinin kubadda ugu dilin goolhaye Dubravka oo uu shabaqiisa ku hubsaday kubadda degdeg ah.

Goolkan ayaa noqday midkii 20aad ee Mohamed Salah uu dhaliyo xilli ciyaareedkan, waxaanu noqday laacibkii ugu horreeyey ee Liverpool ah ee saddex xilli ciyaareed oo kala duwan u dhaliya ugu yaraan 20 gool oo horyaalka Premier League ah.

Saint-Maximin ayaa ku dhowaaday in Newcastle uu u dhaliyo goolka barbarraha, isagoo difaaca Liverpool kubadda kala baxsaday, waxaase kubaddaasi ay waxyar u jirsatay laynka oo ay ka gudbi gaadhay, iyadoo nasiib-wanaag uu Alexander-Anrold kasoo qabtay.

Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa qaybta hore lumiyey fursado dahabi ah oo ay goolal ku dhalin karayeen, sidoo kalena Newcastle ayaa samaysay dayacaad ay ciyaarta ku barbarrayn karaysay.

Qaybta labaad ayuu Joelington khatar badan geliyey Liverepool, waxaana kubbad halis ahayd kasoo badbaadiyey goolhaye Alisson oo haddii aanu usoo bixi lahayn shabaqiisu halis geli lahaa.

Newcastle United ayaa waqtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray waxa gool u dhaliyey Joelinton, hase yeeyee VAR ayaa goolkaas diiday, sababtuna waxay ahayd in kubadda oo uu goolhaye Alisson soo qabtay ay gacan kaga sii dhacday ka hor intii aanu dhalin.

GOOOOAAAAALLLL!!! Newcastle United ayaa heshay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey weeraryahanka Arsenal ay amaahda kaga soo qaateen ee Joseph Willock oo beddel kusoo galay, kaas oo goolka barbarraha u dhaliyey daqiiqaddii 90+6.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE