Man United Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Xiddig Ku Dhibaatoonaya Barcelona

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo xiddiga ku dhibaatoonaya Barcelona ee Miralem Pjanic marka la gaadho suuqa xagaaga.

Waxa uu wali shaki ku jiraa mustaqbalka Xiddiga Paul Pogba kooxda Man United waxana la filayaa in ay suuqa u gasho saxiixyo cusub oo khadka dhexe ah xagaaga.

Wararka ayaa sheegaya in Red Devils ka fiirsanayso dalab is weydaarsi ah oo ay Juventus kaga doonayso saxiixa xiddiga Alex Telles iyaguna ku heli doonaan xiddiga Adrien Rabiot laakiin United ayaan ku qancsanayn heshiiskaas.

Sidaas darteed wargayska Fichajes ayaa sheegaya in ay Man United doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Miralem Pjanic si ay ugu xoojiso khadka dhexe suuqa xagaaga dhamaadka xillli ciyaareedkan.

Pjanic ayaa ku biiray Barcelona xagaaii laakiin ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda isaga oo kaliya 6 kulan ku bilowday horyaalka La Liga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE