Mohamed Salah Oo Isku Qoray Taariikhda Kooxda Liverpool.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa isku qoray taariikhda kooxda Liverpool kadib bar-barihii ay Reds la gashay kooxda Newcastle United kulan ka tirsanaa premier league.

Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 3-aadba dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta isaga oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka waliba dhaliyay gool qurux badan oo cajiib ah u dhaliyay.

Goolkaas ayaa xiddiga Mohamed Salah ka caawiyay in uu isku qoro taariikhda kooxda Liverpool isaga oo dhigay rikoodh cajiib ah oo aanu xiddig kale horay uga dhigin kooxda.

Xiddiga Mohamed Salah ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Liverpool ah ee premier League dhaliya 20 gool 3 xilli ciyaareed oo kaal duwan intii uu joogay kooxda ku ciyaarta Anfield.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE