Real Madrid Oo Fursad Weyn Iska Qasaarisay , Betis Ayay Bar-bar Dhac La Galeen

Real ayaa iska qasaarisay firsad tartanka La Ligaha ah waxa ayna bar bar dhac bilaa goolal ah la galeen kooxda Real Betis

Sheekada labada qeyb : Real Madrid iyo Real Betis ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli qeybtaas hore aysan dhicin halis gilin muuqata marka laga yimaado hal fursad oo Real Betis aheyd

Real Madrid kuma soo muuqan heer ciyaareed wacan waliba lama moodeyn koox u tartameysa horyaalka .

Betis waxa ay ku wacnaayeen cadaadiska marka kubadda cagtooda soo gasho halka sidoo kale xarfaan ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna Real goosha Betis ku sameeyeen lix isku day

Betis maadaama daafac wacan ciyaarayeen waxa ay door bidayeen mararka qaar kubadaha meel fog laga toogto .

Qeybta labaad , Rela ayaa u muuqatay kuwo u dhaw gool waliba daqiiqaddii 54-aad kubad ayaa birta Betis kaga dhacday waxa ayna Real macaiin bidayeen kubadaha meel fog laag toogto .

Isco ayaa kubadda fur furayay xilli Real qeybtaan labaad ka wacnaayeen qeybtii hore xilli Betis mararka qaar halis ku ahaayeen waliba waa ay iska qasaarinayeen balse Real kubadda iyaga ayaa ku sareeyay

Real daafac adag ayay wajaheysay inkastoo iyaga ahaayeen dhankii wacnaa nasiibka waa ka maqnaa waxa uuan Zidane badalo ku soo giliyay Vinicius Junior daqiiqadii 59Alvaro Odriozola-aad halka 68 iyo 77-aad uu raaciyay Alvaro Odriozola ,Marcelo , Eden Hazard iyo Antonio Blanco

Betis kubad deggan ayay ciyaarayeen waliba kalsooni leh isku day waliba Real waa is hor taagayaan waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac bilaa goolal ah


Source: laacibfm

SHARE