Thomas Tuchel Oo Isha Ku Haya Rikoodh Cajiib Ah Kulanka West Ham.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa isha ku haya rikoodh marka ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda West Ham kulan ka tirsan horyaalka premeir League.

Tuchel ayaa chelsea geeyay Finla-ka FA Cup-ka iyo Semi-final-ka champions League mudadii yarayd ee uu hayay xilka kooxda chelsea.

Chelsea ayaa maanta marti u noqon doonta kooxda West Ham kulan ka tirsan premier League kulan ka dhici doona garoonka London Stadium kana tirsan todobaadkii 33-aad.

Tababare Thomas Tuchel ayaa doonaya in uu guuldaro ka fogaado kulanka ay ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda West Ham kulan ka tirsan horyaalka premeir League.

Tuchel ayaa noqon kara tababarihii ugu horeeyay ee aan guuldaro la kulmin 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxdiisu martida ahayd tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE