WARBIXIN: 4 Sabab Oo Xoojinaysa Ku Soo Laabashada Cristiano Ronaldo Ee Man United.

Waxa isa soo taraya warar sheegaya in ay kooxda Man United isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Juventus ee Cristiano Ronald marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaagan.

Heshiiska Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana ay kooxda Juventus doonaysaa in ay iska iibiso xiddiga xagaaga halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xagaaga.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa soo saaray 4 sabab oo xoojinaysa ku biirista Cristiano Ronaldo ee kooxda Man United suuqa xagaaga.

Sababata ugu horaysa ayaa ah is casilida madaxweynaha Juventus ee Andrea Agnelli kaas oo iska casilaya madaxtinimada kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan waliba la filayo in uu madaxweyne cusub yimaado.

Sababta kale ayaa ah bixitaanka Edinson Cavani ee Man United taas oo Cristiano Ronaldo ku laabto kooxda Man United maadama ay United suuqa u gali doonto xiddig weeraryahan ah.

Sababta xigta ayaa ah Rabitaanka Man United ee dhamaystirka saxiixa xiddiga Cristiano Ronaldo si ay hoos ugu dhigto cadhada taageerayaasha kooxda ee uu sababay tartanka european Super League.

Sababta ugu dambaysa ayaa ah dhaleecaynta xoogan ee uu Cristaino Ronaldo kala kulmay saxaafada Italy kadib markii uu kooxda ka caawin waayay ku guulaysiga champions League oo ahayd sababtii loo keenay kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Iska Ilaali In Aad 4-tan Su’aal Waydiisid Ninka Kulankiina Ugu Horeeya, Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm

SHARE