Alvaro Morata Oo Juventus Ka Badbaadiyay Guuldaro Ka Soo Gaadhi Lahayd Fiorentina, Bar-Baro Ayay Galeen

Kooxda Juventus ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa ee ay ka helaysay horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan kadib bar-baro niyad jab leh oo ay kala kulantay kooxda Fiorentina kulan ka tirsanaa horyaalka.

Kooxda Fiorentina ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay Juventus kaga naxsadaan gool wakhti hore ah xilli ay sameeyeen fursado wakhti hore ah oo ay ku halis galiyeen goolka Juventus.

Dhanka Kale Juventus ayaa ciyaarta haystay kubada iyaga oo Fiorentina u diidayay in ay qaadaan weerar rogaal celis ah oo ay ay qaadaysay kooxda martida loo ahaa.

Daqiiqadii 29-aad ayay kooxda Fiorentina dhalisay goolka 1-aad kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxda Fiorentina waxana gool u dhaliay xiddiga Dusan Vlahovic kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Fiorentina hogaaminayso waliba halis galisay kooxda Juventus marar badan xilli kooxda Juventus wali dhibaatoonayso.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Juventus si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolka baraha.

Daqiiqadii 46-aad ayay Juventus dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay kooxdiisu dib ugu soo laabatay ciyaarta.

Kooxda Juventus ayaa isku dayday in ay hogaanka u qabato ciyaarta waxana ay qaadaysay weeraro aan kala joogsi lahayn laakiin kooxda Fiorentina ayaa si fiican u difaacatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus mar kale ku fashilantay in ay guul ka gaadho horyaalka iyaga oo ka sii fogaanaya tartanka horyaalka Serie A-da.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.


Source: laacibfm

SHARE