Barcelona Oo Garaacday 10 Xiddig Oo Villarreal Ah & Griezmann Oo Guul Muhiim Ah Ku Hogaamiyay Blaugrana

Koxda Barcelona ayaa garaacday kooxda Villarreal kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Estadio de la Cerámica.

Qaybta Hore:

Kooxda Villarreal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qadaay weeraro halis galinayaya goolka kooxda Barcelona kuwaas oo ciyaarta maamulayay laakiin aan ciyaarayn kubad weerar badan.

Daqiiqadii 26-aad ayay Villarreal dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Samuel Chukwueze kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Barcelona ayaa hurdada ka kacday kadib markii goolka laga dhaliyay iyaga oo bilaabay sidii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen bar-barahana u dhalin lahaayeen.

Saaxiibada Lionel Messi ayaa xooga saaray sidii ay u dhalin lahaayeen goolka bar-baraha iyaga oo uu weerarkooda hogaaminayo xiddigaha Greizmann iyo Lionel Messi.

Daqiiqadii 28-aad ayay Barcelona dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay goolka laga dhaliyay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo ciyaarta ka dhaigay 1/1 uu kooxdiisa ku soo celiyay.

Kooxda Barcelona ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan iyaga oo samaynayay fursado fiican xilli Villrreal ciyaaraysay kubad rogaal celis ah.

Daqiiqadii 35-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 kadib khalad uu ka faa’iidaystay kadib markii uu khaldamay xiddig Villarreal ah.

Qaybta dambe:

Kooxda Barcelona ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay si dar-dar leh xilli ay Villarreal qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolka bar-baraha iyo in ay ku soo laabato ciyaarta.

Laakiin daqiqiadii 65-aad ayay Villarreal dhirbaaxo la kulantay kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay kadib markii uu xiddiga Manu Trigueros khalad xun ku galay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Hadana Kaadhka cas ayaan Villrreal waxba u dhimin waxana ay Barcelona ku qaadeen weeraro ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal xilli ay Barcelona dhankeeda samaysay fursado halis ah.

Kooxda Villarreal ayaa Goobo galisay kooxda Barcelona kuwaas oo daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta daafac galay si ay goolka u ilaashadaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Villarreal oo 10 xiddig ahayd sidaasna kula dhibco noqotay kooxda Real Madird.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.


Source: laacibfm

SHARE